Dowladda Itoobiya ayaa todobaad walba hawada soo marineysa hadallo ay ku muujineyso sida ay uga go’antahay iney meesha ka saarto madaxbannaanida dadka Soomaaliyeed iyo jees-jees ka dhan ah Xasan Sheekh, hogaamiyaha DF.
Xukuumadda Adisababa ayaa sheegtay iney ka go’an tahay iney fuliso is af-garadkii uu Muuse Biixi ugu saxiixay caasimaddooda ee ku hadaaqayay in Itoobiya ay qaadanayso qeyb kamid ah badda Soomaaliya, kana sameysanayso dakad iyo saldhig millatari.
Cabdi Casiis Axmad Aadan oo ah la-taliyaha sare ee hay’adda Sirdoonka Itoobiya (NISS), ahna la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowladda Itoobiya dhaqan gelineyso heshiiska.
Hadalkan ayaa waxa uu ka sheegay shir ka dhacay magaalada Adis-ababa oo looga hadlayay ammaanka gobolka geeska Afrika, uuna soo qabanqaabiyay Machadka Arrimaha Dibedda.
Masuulkan ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa ku jeesjeesay Xasan Sheekh isagoo sheegay in hadallada kasoo yeeraya xukuumadda Muqdisho ay yihiin kaliya kuwa ay culeysyada siyaasadeed ee heysta isaga khafiifineyso.
“isku dayada liita ee xukuumadda Muqdisho ay ku durayso heshiiska aan galnay waa mid mid indhaha looga leexinayo fashilka weyn ee gudaha ka heysto wax saameyn ah kuma yeelan doono heshiiska ay Itoobiya ku gaarayso biyaha badda Cas” ayuu yiri mas’uulka Itoobiyaanka ah.
Ninkan ayaa tilmaamay in Itoobiya oo hesha marin biyood ay sababi karto inuu kobco dhaqaalaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo leh buu yiri bad dhererkeedu yahay 3000 oo kiilomitir.
Hadalkiisa waxaa laga dhadhansanayaa iney badda Soomaaliya kusoo koobaan intaa uu sheegay oo ah 3000 km, xilli dhererka baddeena uu yahay 3333 kiilomitir, taas oo ka dhigan iney daneynayaan iney xoog iyo sharci darro ku qaataan 333 kiilomitir.
Madaxweynaha DF ayaa fagaare ka sheegay bil ka hor in uusan Itoobiya u diidanayn iney bad iyo dakad ka hesho Soomaaliya, balse uu jecel yahay iney isaga usoo marto. Sidoo kale Maxamad Cismaan Jawaari ayaa sheegay in dastuurka ay ku qoran tahay in bad la siin karo dowlad kale.