Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta ayaa degay xeelad halis ku ah jiritaanka iyo ummadda Soomaaliyeed, iyagoo ku heshiiyay in ay dakad ka dhisaan degmada Lughaya ee gobolka Awdal.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay dadka Soomaaliyeed dareen caro leh ka muujiyeen heshiiskii uu Muuse Biixi ku saxiixay in Itoobiya ay qaadato xeeb dhan 20km oo ah Lughaya.
Kulan qarsoodi ah oo ka dhacay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya islamarkaana ay wada qaateen madax ka tirsan Imaaraatka iyo Itoobiya ayaa waxaa todobaadkii lasoo dhaafay lagu go’aamiyay in si degdeg ah loo billaabo dhismaha dakadda Lughaya.
Imaaraatka Carabta ayaa bixiiyay lacagta lagu dhisayo dakadda taasoo uu Itoobiya u marsiiyay Muuse Biixi. Itoobiya ayaa sida xogta lagu helayo Muuse ku wargelisay in uu dhiso Dakadda, ummaddana u sheego in maamulkiisu uu bulshada u dhisayo.
Itoobiya ayaa arrintan la kaashatay Daahir Riyaale Kaahin oo madaxweyne kasoo noqday maamulka Sonaliland, kana soo jeeda gobolka Awdal, kaasoo xiriir qoto dheer la laxaa Xabashida.
Siyaasiyiin ayaa sheegaya in Daahir la siiyay lacago badan oo kumannaan kun oo doolar ah, lagana dalbaday inuu si gaar ahaaneed u dajiyo bulshada gobolka Awdal, una sheego in maamulku uu Dakad u dhisayo.
Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta ayaa qorsheeyay marka ay dakadda dhammaato in ay la wareegto Itoobiya. Imaaraatka ayaa Itoobiya arrintan uga badalanaya inuu ka dhigto calooshood u shaqeystayaal uu danihiisa gobolka u adeegsado.
Marka uu dhismaha dakadda dhammaado waxaa la dagay xeelad halis badan oo ah in madaxda maamulka Somaliland ay ku dhawaaqaan iney heshiis kula galayaan Itoobiya iyo Imaaraadka si lamid ah heshiiskii dakadda Berbera iyo midka dakadda Boosaaso.
Bishii koowaad ee sannadkan ayay ahayd markii uu Muuse Biixi Itoobiya u saxiixay heshiis la yaab leh oo uu ku sheegay inuu ku siiyay Bad Soomaaliyeed, kuna badashay iney Itoobiya aqoonsato Somaliland.