HomeAll newsGudoomiye Kuxigeenka Awdheegle oo Muqdisho Lagu Khaarajiyay.

Gudoomiye Kuxigeenka Awdheegle oo Muqdisho Lagu Khaarajiyay.

Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dileen gudoomiye kixigeenkii siyaasadda iyo amniga ee degmada Awdheegle gobolka Sh/hoose.

Gudoomiye kuxigeenka oo lagu magacaabo jiray Gaaboow Buulle Xasan ayaa la xaqiijiyay in toogasho lagu dilay isagoo Muqdisho ku sugan saacadihii lasoo dhaafay.

Dilkiisa wuxuu imaanayaa iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay isi soo tarayeen dadka ka cabanaya ee ku dhaqan degmada Awdheegle iyo hareeraheeda kuwaasoo uu qaar isaga dil iyo dhibaato u geystay, qaarna ciidamada shisheeye ku dalbaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular