Gaari nooca carrada iyo dhagxaanta qaada ah ayaa maanta xaafadda Madiina ee magaalada Muqdisho ku jiray qof kamid ah bulshada degaanka.
Qofka shilkan ku dhintay ayaa ahaa nin ay badi dadka daggan Macmacaanka wada garanayaan oo la oran jiray Ismaaciil Dhagool.
Ismaaciil ayaa waxa uu gaarigu ku jiiray isgosyka Macmacaanka waxayna dadka goobjoogayaasha ah sheegayaan in gaarigu xawaare sare ku socday, markii uu falka geystayna uu darawalku la baxsaday gaariga.
Ismaaciil ayaa ahaa nin maqalka la’ kumana baraarugin xiinka iyo xawaaraha sare ee uu gaarigani ku socday.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad ugu badan shilalka noocan ah oo ay geystaan siiba gaadiidka waaweyn oo ay qeyb ka yihiin kuwa ciidamada shisheeye ee ATMIS.