Iyadoo dhawaan la shaaciyay heshiis dowladda Turkiga lagu siiyay kheyraadka ku dhex jira Badda Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga waxay bilowday inay dhaqan galiso heshiiskaasi oo lagu sheegay inuu socon doonno muddo 10 sanno ah.
Mid kamid ah maraakiibta dagaalka Dowladda ayaa maanta soo gaaray degada Muqdisho kaasi oo ilaalin doono maraakiibta looga talagalay inay boobaan kheyraadka Soomaaliya.
Ammaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xiray qeybo kamid ah wadooyinka muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Hoggaanka ugu sareeya dowladda oo Xasan sheekh uu ka mid yahay ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu shaacinayo marka Dagaal ee Dowladda Turkiga usoo dirtay Biyaha Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka oo taageero dhinac kasta siisa DF iyo dowladda Imaraadka Carabta ayaa aad kaga carooday heshiiska Df ay la gashay dowladda Turkiga.
Turkiga ayaa haatan gacanta ku haya oo la wareegay illaha dhaqaalaha Muqdisho sida dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.