Xaafadda Hawlwadaag ee magaalada Baladweyne waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay fal dil ah oo ay dadku aad uga naxeen, kadib markii wiil dhallinyaro ah uu si bareer ah u dilay walaalkiis.
Sida ay sheegayaan goobjoogayaasha, wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharma’arke Muuse, qofka dilayna waa walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabo Cabdisalaan Muuse.
Qaar kamid ah ehelada labada wiil ayaa laga soo xigtay in dilka uu sabab u ahaa markii ay labada walaalaha ah isku qabteen Suuli loo qodi rabay girigooda, ugu dambeyntiina Cabdisalaan ayaa walaalkiis Sharma’arke ku dilay birtii uu Suuliga ku qodi lahaa.
Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ka taliyaan DF iyo maamulgoboleedyada waxaa aad ugu soo badanaya dilalka argaga leh. Shalay waxaa Muqdisho gaari dhexdiisa laga helay meydka nin iyo haweeney.
Halka dorraad ay haweeney gowracday laba caruur ah oo ay dhashay.