Xamse Cabdi Barre Ra’iisulwasaaraha DF ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga u jooga Muqdisho oo lagu magacaabo Alper Aktaş kaasoo ay ka wada sheekeysteen weerar dhawaan ka dhacay duleedka Muqdisho oo ay XSHM ku bartilmaameedsatay saraakiil Turki ah.
Xamse ayaa dowladda Turkiga u sheegay inuu aad uga xun yahay islamarkaana uu uga tacsiyeynayo saraakiishii afartii bishan April looga dilay agagaarka tabeelaha Sheekh Ibraahim oo u dhow xaruntii asluubta.
Guutada Qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax culus la beegsatay gaari Qooqan ah oo ay shirka ka saarnaayeen labo sarkaal oo Turki ah dhanka dambana ka saarnaayeen ciidamo ilaalo ah.
Qaraxa ayaa waxaa ku nafwaayay labadii sarkaal iyadoo askartii ilaalada u ahayd ee DF ay ugu yaraan 5 kamid ah goobta ku geeriyoodeen.
Inkastoo uu Xasan Sheekh khadka Telefoonka kula xariiray madaxweynaha Turkiga ugana tacsiyeeyay arrintan, haddana waa markii ugu horreysay oo uu Xamsa si rasmi ah oo ay saxaafadduu goob joog tahay ugu tacsiyeeyo Turkiga .
Dilka saraakiisha Turkida waxaa ka horreeyay weerar cirka ay oo ay Turkigu ku xasuuqeen qoysas beeraley ah oo ku noolaa degaanka Baqdaad oo hoos taga Afgooye, waxaana la yaab leh in DF ay u tacsiyeysay saraakiishii Turkiga dadkaasna ku tilmaantay argagixiso.