Cali Cumar Maxamad (Cali Balcad) oo ah Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee DF ayaa shaaca ka qaaday war ka marqaati kacaya xogihii laga helayay shirkii ay Nairobi ku wada qaateen Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Kenya William Ruto.
Cali ayaa muujiyay dabacsanaan ku aadan arrimaha badda si ka duwan qaabkii hore ee ay isaga iyo Xasan Sheekh uga hadlayeen heshiis ku sheegga ay Itoobiya la gashay Muuse Biixi, kuna sheegata in bad Soomaaliyeed lagu siiyay.
Isagoo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay in aysan Itoobiya marnaba ka oggolaanayn in ay heshiis aan sharci ahayn ku qaadato dhul badeed uu ka taliyo maamul gooni u goosad ah.
Balse wuxuu sheegay in xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ay ka fiirsanayso in Itoobiya ay siiso dakad ganacsi (haddii buu yiri) si laba geesood ah loo wada hadlo.
Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay ka hor inta aan arrintaas laga wada hadlin in Itoobiya looga baahan yahay in ay baabi’iso heshiiskii ay la gashay Somaliland.
Hadalkan ayaa ah warkii ay isla wakaaladdan Reuters ka qortay shirkii ay Xasan iyo Ruto ku yeesheen Nairobi oo ahaa in madaxda xukuumadda Kenya ay hogaamiyaha DF ka dalbadeen inuu Itoobiya bad u oggolaado, Abiy Axmad-na uu markaas diyaar u yahay inuu meesha ka saaro heshiiskii Muuse Biixi.
Haddii sidaa dhacdo waxaa xaqiiqo noqonaya war uu sheegay Muuse Biixi oo ahaa in Xasan Sheekh waxa uu diidan yahay ay yihiin in heshiiska bad siinta ah uu galay maamulka Somaliland, balse uusan marnaba kasoo horjeedin in Itoobiya bad Soomaaliyeed la siiyo, walibana cidda siineysa uu noqdo isaga (Xasan Sheekh).
Dhanka kale mas’uul u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo ra’yiga Adisababa ee ku aadan dabaca DF iyo mowqifkooda ku aadan.
Itoobiya oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa dhanka kale wadanka kusoo gureysan sannadihii dambe shacab aad u badan iyadoo xoogga saareysa dhulka xeebaha ee gobolada Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed.
Caruurta yaryar ee Itoobiyaanka ah ee wadanka lagu beerayo ayaa kala bartay qabaa’ilka Soomaaliyeed, waxaa jira wiil yar oo Itoobiyaan ah oo ku nool Bari, ma garanaysaa qabaa’ilka Soomaalida? Ayaa la weydiiyay, markaasuu tiriyay in badan, halka isaga markii qoladiisa la weydiiyay uu ku jawaabay magac guud oo ah Xabashi.
Ugu dambeyntii afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa khudbad uu jeediyay Ciidii dhaweyd sheegay in Soomaaliya ay mareyso xaalad halis ah kadib markii ay Itoobiya qaadatay badda Soomaaliya oo ay muddo qarniyo ah soo difaacayeen awoowyaasheen, isagoo ugu baaqay ummadda iney ka dhiidhiyaan dhaca iyo boobka qaawan ee loogu soo bareeray.