HomeAll newsDF oo ku fashilintay iney xirto Qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.

DF oo ku fashilintay iney xirto Qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.

DF ayaa ku fashilintay iney xirto Qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe oo xarumo ukala ah maamulada Somaliland iyo Puntland.

DF ayaa 10 Cisho kahor soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegeyso iney muddo 7 Maalmood ah Lagu xiro  Qunsiliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, kadib markii uu xumaaday xiriirka ka dhexeeyay Xasan Sheekh iyo Abey Axmad.

Hadda oo laga joogo wax ka badan 10 maalin ilaa hada wey furan yihiin qunsilyadahaas, in la xiro iska dhaafee itoobiyaanka wexey sii kordhiyeen xiriirada ay la leeyihiin maamulada Somalialnd iyo Puntland sida aan kasoo xiganay illo wareedyo.

Tan iyo markii uu bilowday khilaafkii u dhexeeyay Xasan Sheekh iyo Abey Ahmed, Itoobiyaanka wexey sii kordhiyeen danohooda gumeysi oo ay kula falgali jireen maamulada Somaliland iyo Puntland.

Saraakiil Sirdoon iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Itoobiya ayaa booqday Garoowe tan iyo markii uu Deni ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray DF.

Xasan sheekh ayaa codsaday in isaga uu saxiixo heshiiska Badda lagu siiyay Itoobiya balse Itoobiya ayaa somaliland u aragtay inay dowladda Xasan kaga haboontahay inay la gasho heshiis beenaad lagu siiyay qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa haatan ku howlan inay Xasan sheekh ka hor keento qaar kamid ah maamulada gobaleedyada sida Jubbaland iyo kuunfur galbeed.

Dowladda Itoobiya ayaa sanadkii 2010-kii waxay si rasmi ah Qunsuliyad uga furatay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Munaasabada lagu furayay qunsuliyada waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin katirsan Puntland kuwaasi oo soo dhaweeyay furitaanka Qunsuliyada Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular