HomeAll newsDEGDEG: Saraakiil Turki Ah oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho.

DEGDEG: Saraakiil Turki Ah oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar maanta ka dhacay degaan dhacay duleedka magaalada Muqdisho kaasoo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen gaari ay saarnaayeen saraakiil Turki ah iyo askar ilaalo u ahayd oo ka tirsan kuwa DF.

Qaraxaani oo ka dhacay halka loo yaqaano tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ayaa haleelay gaari Qooqan ah oo ay saarnaayeen saraakiisha Turkida ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijinaya iney indhahooda ku arkeen meydadka laba sarkaal oo Turki ah iyo shan  askari oo ka tirsan ciidanka DF oo ilaalo u ahaa. Baraha bulsahda ayaa lasoo dhigay muuqaalka gaariga qaruhu haleelay oo uu burbur xooggan ka muuqanayo iyo qaar kamid ah meydadka saraakiisha Turkida iyo askarta DF.

Muddo kadib qaraxa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa DF oo si taxadar leh u socda iyagoo ka baqaya inuu qarax kale haleelo, waxaana ay qaadeen meydadkii meesha yiillay iyo dhaawacyadii.

Ma ahan weerarkii ugu horreeyay ee Turki lagula beegsado magaalada Muqdisho iyadoo aan ognahay in dowladda Turkiga ay saldhig milatari ku leedahay Soomaaliya kana qeyb qaadanayso duullaanka milatari ee lagu soo qaaday wadanka iyadoo ka barbar dagaalamaysa Mareykanka iyo Atmis.

Dowladda Turkiga ayaa horey Soomaaliya ugu soo duushay sannadkii 1993 xilligaas oo ay kamid ahayd isbahaysigii la baxay Amisom, haddana waxay kamid tahay ururka NATO.

Dhibaatooyinka ay dowladda Turkiga ka geysatay Soomaaliya waxaa ugu dambeeyay duqeymihii wuxuushnimo ee ay diyaaradaheedu ka fuliyeen degaanka Baqdaad oo u dhow degmada Afgooye halkaas oo ay ku dishay in ka badan 20 qof oo kasoo jeeda qoysas beeraley ah kana mid yihiin caruur iyo haween.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular