HomeAll newsDani Axmad Madoobe iyo Laftagareen oo Wada Hadlay Una Heshiiyay Xasan Sheekh....

Dani Axmad Madoobe iyo Laftagareen oo Wada Hadlay Una Heshiiyay Xasan Sheekh. (Warbixin)

Madaxda maamulgoboleedyada qaarkood ayaa dhabarka ka toogtay Xasan Sheekh kadib markii ay fashiliyeen shirkoodii dhici lahaa Sabtidii shalay. Habeenkii Khamiista waxaa khadka Telefoonka ku wada hadlay Axmad Madoobe, Laftagareen iyo Saciid Dani iyagoo ka wada munaaqashooday dowrka uga aadan shirka uu ku baaqay Xasan.

Xasan Sheekh, awalba rajo kama qabin in Saciid Dani uu kasoo qeyb galo shirka, balse wuxuu quuddareynayay in maamulgoboleedyada kale uu isugu keeno Muqdisho, Danina ka dhigo Tuke cambaar leh, laakin sidaa ma dhicin. Sadaxda madaxgoboleed waxay ku wada tashadeen inaan laga qeyb galin shirka, si wada jir ahna ay u mucaaradaan nidaamka Xasan Sheekh.

Laftagareen oo jooga Nairobi iyo Axmad Madoobe oo jooga Imaaraadka ayaa sabab u ahaa inuu baaqdo shirkii uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh. Labadooduba waxay Xasan soo wargeliyeen markii uu saacado ka dhiman yahay shirka, waxayna uga cudur daarteen iney ka qeybgalayaan.

Xogta ay heleyso Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegeysa in dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya ay maamulgoboleedyada ku cadaadinayaan iney fashilaan shirka Xasan Sheekh islamarkaana xiriirka u jaraan.

Madaxgoboleedyada ayaa ka shakisan hirgalinta ballanqaad uu Xasan horey ugu gudbiyay oo ahaa inuu kala shaqeynayo iney xilka ku kororsadaan muddo laba sano ah, waxaana shakigaas keenay markii uu Xasan dib u dhigay shirka, kana hormariyay wax ka badalka dastuurka.

Shakiga ku jira madaxda maamulgoboleedyada ayaa ah in Xasan Sheekh uu doorashooyinkooda soo farageliyo, una soo diro dad asxaabtiisa ah oo tartanka wax ka gala, dhaqaale badanna uu soo siiyo, sidaba uu hadda u qorsheynayo inuu Mahad Salaad noqdo ninka badalaya Qoorqoor.

Xogaha hoose ee la helayo hadda waxay sheegayaan in maamulada Kismaayo iyo Baydhabo ay doonayaan iney qabsadaan doorasho ku shubo ah, dibna usoo laabtaan Madoobe iyo Lafta, waxaana qorshahan la qaba hogaamiyaasha Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaasoo aan xilligan awood u lahayn iney mowqifkooda la dhawaaqaan.

Aqoonyahan Cabdullaahi Axmad Cabdulle ayaa waxa uu aamisan yahay in dagaalkan uu yahay mid ka dhaxeeya dowlado shisheeye oo kala wata dhinacyada is haya, xiisadda ugu weynna ay timid markii uu Xasan kheyraadka wadanka u gacan geliyay Turkiga.

Marka la eego khilaafaadyada ka dhex jira DF gudaheeda, fashilka siyaasadeed iyo boobka loogu soo bareeray wadanka, waxaad dareemeysaa in uu cagsi noqday halheyskii uu tartanka doorashada ku galay Xasan Maxamuud Culusoow ee ahaa “Soomaali heshiis ah caalamkana la heshiis ah”.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular