Muddo sanad kaamil ah ayaa ayaa kasoo wareegatay markii dalka Suudaan ee dhaca bariga qaaradda Africa uu ka qarxay dagaalka culus ee udhexeeya ciidamada mellatariga xukuumadda Khartuum, iyo Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ee taaageerada ka helaya xukuumadda Imaaraatka Carabta.
Dagaalkaan sanad jirsaday ayaa sababay dhimashada kumannaan ruux oo dad ah iyo barakaca malaayiin kale, taas oo ay dheertahay inuu geystay musiibo bani’aadannimo, burbur dhaqaale iyo dhibaatooyin kale.
Tan iyo wixii ka horreeyay dagaalka laga soo billaabo sannadkii 2018-ka, waxa uu dalka Suudaan Suudaan marti galinayay isbadallo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo ragaadiyay bulshada.
13-kii Bishii April ee sannadkii lasoo dhaafay ee 2023-ka, waxaa dalkaan ka qarxay dagaalka culus ee udhexeeya ciidanka mellatariga iyo kuwa gurmadka degdegga ah, arrinkaas oo sii murjiyay xaaladdii dalka ka jirtay dalka.
Markii uu dagaalku billawday kadib waxaa mashquul badan galay garoomada diyaaradaha ee dalka Suudaan, si gaar ah kan ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Al-Khartuum, halkaas oo ay isku ciriiiryeen diblimaasiyiinta reer-galbeedka, iyo wufuudda ka ka socota dalalka Yurub ee naftooda la baxsanaya.
Bishii ugu horreysay ee dagaalka waxa ay magaalada Al-Khatuum marti galisay mowjado duqeymo ah oo lagu garaacay xaafadaha kala duwan ee magaalada, kuwaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqallaal ruux.
Waxaa intaa dheer oo ay caasimaddu marti galisay mowjado boob iyo bililiqo ah oo lagula kacay xarumaha ganacsiga iyo kuwa kaleba ee ku yaalla gudaha magaalada, kaas oo intiisa badan ay ku kaceen maleeshiyaadka RFS.
20-kii May ee sannadkii 2023-ka waxaa magaalada Jiddah ee dalka Suudiga ka furmay wadalado qaatay muddo todobaad ah, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen dowladaha Mareykanka iyo Sucuudiga, laguna doonayay in lagu joojiyo dagaalka.
Waxaa gabi ahaanba uu fashil kusoo dhamaaday wadahadalkaas, lagumana guuleysan in dagaalka la joojiyo, darafyada is hayana lagu qanciyo iney gaaraan heshiis xabad joojineed oo waara.
Gobalka Daarfuur ayay bartamihii sannadkii lasoo dhaafay Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ee taageerada ka helaya xukuumadda Imaaraatka Carabta ka geysteen xasuuqyo aad ufoolxun, kuwaas oo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyagoo geystay kufsi jamaaci ah oo ka dhan ah haweenka Muslimaadka ah iyo xad gudubyo kale.
Dabayaaqadii bishii December ee lasoo dhaafay ciidamada Suudaan ayaa isaga insixaabay magaalada Wod-Madani ee caasimadda gobalka Al-Jaziira, waxaana durbaba magaalada gacanta ku dhigay maleeshiyaadka RSF, iyagoo isku fididiyay degaanno horleh.
Wixii xilligaasi ka dambeeyay niyad jab xooggan ayaa soo wajahay ciidamada mellatariga xukuumadda Suudaan, iyadoona Makeeshiyaadka Janjawiidka ay la wareegeen keydad hub ah oo ay lahaayeen ciidanka, kuwaas oo qaarkood ay u adeegsadeen iney kusoo ridaan diyaarado badan oo ay leheed xukuumadda Khartuum.
Hadda oo uu dagaalku sannad jirsaday ma muuqdaan wax waan waan ama wadahadal ah oo lagu soo afjarayo colaadda sii daba dheeraaneysa ee ka aloolsan dalka Suudaan, labada dhinac ayaana mid waliba waxa uu ku adkeysanayaa inuu dagaalku sii socdo, illaa ay ka gaarayaan yoolka ay tiigsanayaan oo ah in midkood saaxada laga saaro.