Fadhi looga doodayay miizaaniyadda sanadka 2025-ta ee midowga Yurub, wuxuu golaha isla qaatay in lasii wado taageerada iyo taakulada la siinayo dowladda Ukraine oo wajaheysa dagaal adag oo ka dhan ah Ruushka, oo duullaan milliteri kula wareegay qeybo kamid ah dalka.
Inkastoo reer Yurub ay billaabeen muujinta iney ku daaleen taageerada Ukraine, hadana waxay isla garteen in taageerada milliteri iyo taakulada maaliyadeed ee la siinayo Ukraine ay halkeeda kasii socoto, xilli weliba bartamaha sanadkan la filayo in baarlamaanka midowga Yurub uu qabto doorasho lagu soo dooranayo hogaanka golaha.
Bayaan warbaahineed oo kooban, oo kasoo baxay fadhiga midowga Yurub waxaa lagu sheegay si cad in weli golaha uu ka go’anyahay taageerada Ukraine, iyo in laga saacido dib u dhiska dalka, taasoo ah istiraatiijiyad qeyb ka ah marka uu dhamaado duullaanka Ruushka, ee aan la ogeyn inta uu sii socon karo.
Miizaaniyadda sanadka 2025-ta ee midowga Yurub waxay ka qeyb qaadan doontaa sida ay ku doodayaan reer Yurub in Ruushka laga hor istaago inuu ku guuleysto dagaalka Ukraine, iyadoo taakulo dhan weliba ah la siinayo dalkan ay colaaduhu la degteen, lana kaashanayo xulafada kale ee uu Maraykanku kamid yahay.
Halkaan ka Dhageyso Warbixin Intee ayuu sii socon karaa Taakuladda Yurub ee Ukraine