Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dab xoogan uu ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal.
Dadka qaar ayaa sheegaya in aan la ogeyn waxa u sababta ah dabkan balse ay u maleynayaan inuu ka dhashay cimilada aadka u kulul ee degaankaas.
Dabka ayaa baabi’iyay dhul daaqsimeed ballaaraan oo dhaca dooxada Dalsan oo u dhow magaalada Dngoroyo ee gobolka Nugaal.
Maamulka Puntland ayaa sheegay iney ku guuleysteen daminta dabka xilli uu aad u badan yahay dhul daaqsimeedka uu baabi’iyay dabkaas.
Sidoo kale Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa sheegay in uu marar badan degaanada gobolka Nugaal kusoo laalaabto dabka noocan ah, wuxuuna u sababeeyay kulaylka faraha badan ee xilliyada qaar la arko.
Inkastoo roobka guga uu ka curtay badi Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, haddana waxaa bishii ugu dambeysay la dareemayay inuu kordhay kulaylka kaasoo degaanakda qaar markii ugu horreysay uu gaaray 40°.