Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiiz) oo ah la taliyaha Xasan Sheekh iyo xubin kamid ah wadaadaha u fatwooda DF iyo ciidamada shisheeye ayaa dhawaan shaaca ka qaaday hadal uu ku muujiyay in Xasan Sheekh uu leeyahay mid lamid ah daacadii iyo maqalkii ay lahaayeen saxaabadii Rasuulka Sallalaahu Caleyhi Wasallam oo kale.
Cali ayaa xusay in Xasan Sheekh uu yahay madaxweynaha DF, uuna ka dhigan yahay nin ay ummaddu la gashay beyco sharci ah, sidaa darteedna uu xaq u leeyahay inaan laga hor imaan oo la adeeco.
Wajiiz waxa uu hadalkiisan xujo uga dhigtay qeyb kamid ah xadiiyh ka sugan Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam oo amraya muslimiinta iney adeecaan oo maqlaan madaxdooda. Laakin Sheekh Xassaan Xuseyn Aadam ayaa dibadda soo dhigay xeelad uu adeegsaday Cali Wajiis marka uu daliishanayay Xadiithka.
Sheekh Xasaan waxa uu muujiyay in marka hore Sheekh Cali Wajiiz uu yahay wadaad qabyaaladiiste ah, maxaa yeelay wuxuu si gaar ah hogaamiye islaami ah uga dhigay Xasan Sheekh marka loo eego madaxdii kale ee uu la shaqeynayay ee soo maray DF.
Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in Cali Wajiiz uu qeyb ka gooyay xadiithka uu soo qaatay ee faraya muslimiinta in ay adeecaan madaxdooda, uuna ka jaray qeybta dambe oo oranaysa “inta ay diinta ku toosan yihiin” maadaama uu og yahay in Xasan Sheekh uu hogaamiyo nidaam dimuqraadi ah.
Cali Wajiis ayaa dhawaan ku fadeexoobay cod sir ah oo laga baahiyay isagoo aflagaadeynayay qaar kamid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed, dhanka kalana muujinaya inuu yahay nin u taagan dano qabiil, waxaana ay dad badan is weydiinayaan sida uu Cali isku waafajin karo, qabyaaladda, diinta iyo dimuqraadiyadda!.