Ciidamada Itoobiya ayaa gobolka Oromiya ku dilay nin uu dhalay oday dhaqameed caan ah oo saaxiib la ah Abiy Axmad.
Ninka dhallinyarada ah ee la dilay ayaa ka tirsanaa Jabhadda Xoreynta Dhulka Oromiya ee OLA kaasoo u gacan galay ciidamada Itoobiyaanka ah ee jooga gobolkaas.
Ciidanka Itoobiya oo ay hogaaminayeen sarakaiil Amxaaro ah ayaa birta ku boobay ninkan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, mana aaney ku tixgelin aabihiis oo ay isku dhow yihiin Abiy Axmad.
Odayga dhalay ninkan dhowr iyo sodon jirka ah ayaa kamid ahaa odayaal uu Abiy Axmad usoo diray Hargeysa si ay odayaasha qabaa’ilka waqooyiga iyo Muuse Biixi uga dhaadhiciyaan in ay badda Soomaaliya qeyb ka siiyaan Xabashida.
“Oday Gobena Hola waxa uu ku khasaaray saaxiibtinimadiisa Abiy Axmad” waa erayga ugu badan ee ay adeegsanayaan dadka Oromada ah ee isticmaala baraha bulshada.
Gobena Hola ayaa qudhiisa sheegay inuu ka dhaxay geerida wiilkiisa, wuxuu sheegay inuusan xiriir la sameyn muddo aad u dheer, mar dhowna la tusiyay sawirkiisa oo lagu laray sheekada dilkiisa.