Dhawaan dowladda Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday iney ciidamo ka socda dalkeeda udireyso dalka Lithuania ee xududda la leh Ruushka, waxaana arrinkaan war kasoo saaray xukuumadda Moscow.
Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday, in u dirista ciidamada ka socda dalka Jarmalka ee Lithuania ay sare u qaadayso xiisadda Mandiqadda, islamarkaana ay qatar ku tahay Ruushka, arrinkaasna uu keensanayo in la qaado tallaabooyin ammaan oo gaar ah.
Ciidamada Jarmalka ayaa shalay si rasmi ah ubillaabay fulinta qorshaha kumannaan ciidamo ah oo dalkaasi ka socda loogu dirayo Lithuania, kuwaas oo dhulkoodu uu ka kooban yahay qayb ka mid ah xudduudaha waqooyi bari ee ururka NATO.
Arrintaan ayaa ka dhigan diyaar garow ku aaddan ka hortagidda weerar waliba oo suuragal ah, kaas oo ka dhan ah isbaheysiga NATO, islamarkaana ka yimaada dhanka Ruushka.
Wasiirka difaaca ee dowladda Jarmalka ayaa sheegay, in dhameystirka howshaan ciidamada loogu dirayo dalka Lithuania, taradooduna tahay 4800 oo askari ay socon doonta illaa sannadka 2027-ka, isagoo intaa ku daray in si guul looga gaaro arrintaan ay waajib tahay in askarta iyo qoysaskooduba la siiyo daryeel wanaagsan.
Arrintan ayaa timid ka dib markii dowladda Jarmalku ay dhawaan ansixisay in ciidamadeeda ay si joogto ah u geyso meel ka baxsan dalkeeda tan iyo waxa loogu yeero dagaalkii labaad ee adduunka, iyadoo la tix raacaayo isbadallada amni ee uu Yurub ku yeeshay dagaalka udhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Boqallaal ciidamo ah oo ka socda Jarmalka ayaa Lithuania ku sugan tan iyo sannadkii 2017-ka, taas oo ay sii dheer tahay in dowladda Jarmalka ay hogaanineyso garab mellatari oo taabacsan isbaheysiga NATO, kaas oo ka kooban ku dhawaad 1600 oo askari, oo kala bar kamid ah ay udhasheen Jarmalka.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Ruushku duullaanka ballaaran kusoo qaaday dalka Ukraine, waxaa billawday dagaal dhan waliba ah oo dhex maraya Ruushka iyo dowladaha reer-galbeedka, waxaana xukuumadaha reer Yurub ay billaabeen iney ciidamo udiraan Ukraine, si ay kaga hortagaan duullaankaas.
Arrinta xusidda mudan ayaa ah in baqdinta ugu weyn ee ay qabaan reer-gabeedka ay tahay in haddii Ruushka uu kasoo gudbo Ukraine uu si toos ah usoo weeraro dowladaha reer Yurub, si taas looga baaqsado ayayna ciidamo badan usoo dhoobeen xuduudaha Ruushka.