HomeAll newsCiidamada Burundi oo lagu weeraray Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Burundi oo lagu weeraray Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dagaallo culus oo udhaxeeyay ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Ciidamada Atmis iyo kuwa Alshabaab ayaa xalay ka dhacay gobalka shabeellaha dhexe.

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan xarakada Alshabaab ayaa dhowr jaha ka weeraray saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin gobalka sida aan kasoo xiganay illo wareedyo mas’uul ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Xawaadley oo in muddo ah ay ku suganyihiin ciidamada Burundi oo marar badan halkaasi kula kulmay dagaallo kaga yimid dhinaca Alshabaab.

Xaalada ayaa maanta dagan waxaana jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ay dirirtu udhaxeysay.

Ciidamo Burundi ayaa Shabeellaha dhexe ku lahaa saldhigyo waaweyn in kastoo waayihii ugu danbeysay ay qeyb ka noqdeen Ciidamada Ay dhintay Atmis ee Laga saaray Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular