HomeAll newsC/raxmaan C/Shakuur oo Sheegay 90% In Madaxda & Siyaasiyiinta DF Ay Ku...

C/raxmaan C/Shakuur oo Sheegay 90% In Madaxda & Siyaasiyiinta DF Ay Ku Ciideen Dalka Dibaddiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa war qoraal ah oo uu baahiyay saacadihii lasoo dhaafay ku sheegay in badi madaxda DF, siyaasiyiinta iyo dadka ka agdhow ay ku ciideysteen dalka dibaddiisa.

“Ku dhowaad 90% madaxda xilalka haya iyo kuwa sugayaba ee dalka, siyaasiyiin iyo shaqaale rayad ah, dalka dibaddiisa ayey ku ciideen. Nairobi, Istanbul, Makka, Qahira iyo Dubai ayaa la isku qaybiyey.” sidaasi waxaa yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dalka Kenya, caasimaddiisa Nairobi ayuu sheegay iney noqotay Muqdishada labaad isagoo sharaxaad ka bixiyay sawirka dhabta ah ee uu muuqaalkaasi bixinayo.

“Muuqaalkaasi wuxuu sawir dhab ah ka bixinayaa in aysan waxba is dhaamin Hormuudka (elite) Soomaalida ee siyaasadda, ganacsiga, saxaafadda, iyo samafalka (voluntary sector) ka iyo ajnabiga Xalane deggan ee dalka ka shaqaysta, dhammaanteen dalka waan ka xoogsanaa ee uma xoojino.” ayuu mar kale yiri Warsame.

Inta badan wasiirada iyo xildhibaanada DF ayaa dalka ka dhoofay wixii ka dambeeyay 15 bishii Ramadaan, goortaas oo weerar lagu qaaday hotelka SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada, laguna dilay xubno kala duwan oo ka tirsan DF.

Laakin Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sababtaas ka gaabsaday wuxuuna ka eegay dhan kale isagoo yiri: “Natiijadan waxay ka dhalatay markii siyaasigii danta guud loo diray uu tiisii gaarka ah iyo damaciisa shakhsiga ah u dulloobay, qaybihii kale ee bulshadana, ganacsato, culumo, suxufi iyo aqoonyahanna ay dantii guud iyo dalwadnimadii ka danaysteen sidii in aysan noloshadeena qusayn oo kale.” ayuu yiri.

Dhammaan madaxda DF waxay dalka dibaddiisa ka dhisteen guryo, halka qaar kale oo iyaga kamid ah ay hadda ku hawlan yihiin. Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha DF ayaa guryo ka dhistay wadamada Turkiga, Tanzaniya iyo Imaaraatka Carabta.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in madaxda DF ay u muuqdaan kuwa loo sheegay ineysan wadankan kusii noolaan doonin islamarkaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ula wareegi doonto si lamid ah sidii ka dhacday wadanka Afganistaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular