Iyadoo maamulka Somaliland uu shaaca ka qaaday in ay qabsanayaan doorashooyin, ayaa waxaa soo baxaya digniino kala duwan oo ay baahinayaan siyaasiyiinta, kuwaasoo ku talinaya in la iska jiro shirqoollada Itoobiya ay maleegi karto.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah xildhibaanada DF ayaa soo daabacay qoraal uu ku sheegayo in Muuse Biixi oo horey muddo laba sano ah ugu darsaday muddo xileedka, uu haddana isku dayi doono inuu ku mintido.
Dowladda Itoobiya ayuu sheegay in gacan ku siin doonto inuu kusoo laabto kursiga Hargeysa si ay danaheeda uga sii dhammeysato, wxuuna ugu baaqay golayaasha wax dooranaya iney arrintaas fiiro gaar ah u lahaadaan.
“Itoobiya waxay isku deyi doontaa in ay xeelado taban iyo faragelin gurracan ku gacansiiso Muuse Biixi oo ay ka mid tahay dagaal lagu qaado Khaatumo, iyo in la boobo doorashada. Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad , dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.” sidaasi waxaa yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Abiy Axmad ayaa Muuse Biixi ka saxiixday inuu qeyb ka siiyo badda Soomaaliya, wuxuuna uga badashay inuu ka difaacayo maamulka Khaatumo, ugana soo celinayo magaalooyinka ay kala wareegeen oo ay ugu weyntahay Laascaanood.
Siyaasadda Itoobiya ee Soomaaliya ayaa soo martay maraaxil kala duwan. Mid kamid ah marxaladahaas waxay ahayd sameynta maamul goboleedyo qabiileysan, kadib waxay billowday iney isku dirto, hadda waxay mareysaa in ay maamulladu ku dhiiradaan iney fooda isku galiso, kii laga tabar badiyona ay u sheegto iney difaaceyso haddii uu dhul iyo bad u saxiixayo!!.