HomeAll newsBurcad Badeeda oo Madax Furasho Kusii Daayay Markab Iyo Maamulka Puntland oo...

Burcad Badeeda oo Madax Furasho Kusii Daayay Markab Iyo Maamulka Puntland oo Qabtay.

Kooxo hubeysan oo badda Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Bari ku afduubtay markab ajnabi leeyahay bishii lasoo dhaafay ayaa la siiyay lacag madax furasho ah oo ay kusii daayeen Markabka.

Markabka oo laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa isagoo dhuxul sida laga qabtay xeebaha gobolka Bari tan iyo xilligaasna waxay dableydu dalbanayeen lacago madax furasho ah.

Ugu dambeyntii waxaa dableyda Soomaalida ah ee loogu yeero Burcad badeeda la siiyay lacag dhan 5 milyan oo doolar. Lacagta ayaa looga soo daadiyay diyaarad yar oo Helocopter ah sida ay inoo sheegeen saraakiil ku sugan Boosaaso.

Markii ay dableydu gacanta ku dhigeen lacagta madax furashada ah waxay sii daayeen markabka iyo 23 qof oo isugu jiray farsamayaqaano iyo shaqaalaha markabka.

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu qabtay dableydii madax furasahda kusii deysay markanka sida ay sheegeen warbaahinta magaalada Garowe oo soo xiganaya saraakiil magacooda qariyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular