Socdaal uu shalay Ra’iisulwasaaraha DF ku tagay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa caqabad ku noqday kumannaan qof oo ku kala nool degmooyinka Dharkeenley, Wadajir, Kaxda, Hodan iyo Dayniile kadib markii laga xirtay jidadka.
Socdaalkan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayuu Xamse ku tagay degmada Kaxda abaare 5:00 galabnimo iyadoo loo xeray dhammaan wadooyinkii uu soo marayay laga soo billaabo madaxtooyada illaa halka uu xafladda ku qabsanayay.
Bulshada ku nool shanta degmo ayaa ciriir la kulmay intooda shaqooyinka iyo waxbarashada ku maqnaa uma suuragelin iney guryahooda ku afuraan, waayo gaadiidkii iyo bajaajtii ay la socdeen waa la joojiyay, dantuna waxay ku kalliftay iney lugeeyaan.
Jidadka waxaa taagnaa illaa xalay fiidkii ciidamo ka tirsan kuwa DF oo qofkii kasoo agdhawaada qoriga caaradiisa ku taagaya, gaadiidkana haba sheegin warkiisa. Qaar kamid ah dadkii soomanaa oo daallan ayaa gabbalkii ku dhacay iyagoo bajaaj saaran oo ku qeylinaya “jidka noo fura” iyo erayo kale.
Warbaahinta DF ayaa cinwaan ka dhigatay in Ra’iisulwasaaraha DF uu ka afuray degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho waxayna soo muujisay isagoo la fadhiya labaatameeyo qof oo u badan dad kamid ah maamulka gobolka banaadir iyo kuwa gacan saar la leh xukuumaddiisa.
Wuxuu goobta ka jeediyay hadal uu sawirayo in socdaalkiisan uu muujinayo in DF ay gaartay horumar weyn marka hadduu Kaxda booqan karo. Goobta wuxuu ka sheegay in maamulka Xasan Sheekh uu gaaray guulo waaweyn oo ay ka mid tahay iney Muqdisho ka nadiifiyeen wuxuu ugu yeeray ciyaarl weero.
Isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu xusay in ammaanka degmada Kaxda uu lafdhabar u yahay amniga Muqdisho xilli la ogyahay in muddo laba goor ah ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab degmadaas ka fuliyeen laba weerar oo ay cagta ku mariyeen xarumaha maamulka iyo xeryaha ciidanka, kana soo furteen hub, gaadiid iyo maxaabiis dagaal.
Ra’iisulwasaaraha ayaa dib madaxtooyada ugu laabtay xalay fiidkii isagoo aanan habayaraatee wax cudurdaar ah ka bixin dadkii soomanaa ee dartii wadooyinka looga xiray, loogana dib dhigay afurkoodii. Ugu dambeyntii waxaa socdaalkiisa kaxda lagu saleeyay dhoollatus siyaasadeed maadaama uu wajahayo culeysyo uga imaanaya siyaasiyiinta aan la dhacsanayn habka shaqadiisa iyo wax ka badalka dastuurka.