Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa nolosha ku qabtay askari ka tirsan ciidamada DF oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil Daahir.
Askarigan ayaa lagu qabtay sida aan xogta ku heleyno hawlgal gaar ah oo ay ciidanka Al-Shabaab ka sameeyeen wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in askarigan oo kamid ahaa ciidanka loo yaqaano Duufaan.
Saraakiisha DF ayaa ka gaabsaday iney faahfaahin ka bixiyaan askariga laga qabtay. Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay maxaabiis badan ka qabatay DF kuwaasoo u badan ciidamada.