HomeAll newsMaxay Uganda Ka Tiri Bixitaanka Shisheeyaha ATMIS ee Ay Iyadu Qeybta Ka...

Maxay Uganda Ka Tiri Bixitaanka Shisheeyaha ATMIS ee Ay Iyadu Qeybta Ka Tahay?.

Dowladda Uganda waxay heysataa farriin uga timid dowladda Mareykanka oo ka dalbanaysa in ciidamadoodu noqdaan kuwa ugu dambeeya ee ka baxaya Soomaaliya maadaama ay Muqdisho ka joogaan xarumaha ugu xasaasisan sida Xalane oo kale.

Saraakiisha Uganda ayaa bixinaya wareysiyo ay ku miijinayaan jiritaanka amarkaas, inkastoo khubarrada ammaanku sheegayaan in ciidamada Uganda aysan karti badan u lahayn iney hos istaagaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Nathan Mugisha oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadoodu ay noqonayaan kuwa ugu dambeeya ee ka baxa Soomaaliya.

Mar kale isagoo madaxa ciida ka ceshanaya ayuu sheegay xataa haddii ay baxaan ciidamada kale ee garabka u ah in ay iyagu sii joogayaan Soomaaliya.

Wareysi uu taliyahan siiyay wargeyska Sunday Monitor ayaa wuxuu walaac uga muujiyay awoodda sii kobcaysa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, wuxuuna tusaale usoo qaatay in ay la wareegeen deegaanno bilo ka hor laga saaray ciidamada ATMIS.

Dowladda Uganda waa dowladda kaliya ee Xasan Sheekh saaxiibka kula ah danaheeda, maxaa yeelay Uganda waxay xerada Xalane ilaalinteeda Reergalbeedka uga qaadataa dhaqaale badan, sidaa darteed waxay Qaramada Midoobay ka codsatay in aan si degdeg ah meesha looga saarin kaalintoodaas, sida uu sheegay taliye Nathan.

Taliyaha ciidanka Africom ee Mareykanka ayaa khudbad uu dhowr bilood kahor ka jeediyay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in DF aysan heysan ciidan karti leh oo sii heyn kara halkii ay ka baxaan ciidamada shisheeye.

Maadaama ay ciidamada shisheeye ku baaba’een Soomaaliya, dhanka kale dhaqaalahooda uu culeys ku noqday reergalbeedka, waxay Qaramada Midoobay isku dayaysaa in Xasan Sheekh ay u reebto 2000 oo askari oo madaxda DF ammaankooda iyo guryahooda sii ilaaliya.

Shisheeyaha iyagoo wax ka baranaya qaabka habqanka ah ee ay uga baxeen Afganistaan ayaa waxay isku dayayaan iney Soomaaliya uga baxaan hab taxadar leh, maantana ma jirto hal arrin oo ay ku faani karaan oo kamid ah waxyaabihii ay markii hore ugu soo duuleen Soomaaliya.

Horey waxaa dalka uga baxay kumannaan askari oo kamid ah ciidamada shisheeye kuwaasoo faarujiyay xeryihii ay ka dagganaayeen gobollo ay kamid yihiin Gedo, Shabeelaha Dhexe iyo Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular