Warbixin ay soo saartay Hey’adda Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dagaallada ka soconaya dalka Itoobiya ay sababeen barakac xad dhaaf ah oo ay sameynayaan dadka Itoobiyaanka ah ee naftooda kala baxsanaya goobaha ay colaaduhu ka jiraan.
Waxaa warbixintaan cusub lagu sheegay in dad ka badan 50,000 oo ruux oo Itoobiyaan ah ay ka barakceen guryahooda oo ku yaalla woqooyiga Itoobiya, sababo ku aaddan dagaallada culus ee halkaasi ka soconaya una dhaxeeya maleeshiyaadka Amxaarada iyo kuwa Tigreega, kuwaas oo abuuray qalqal dowli ah.
“Tirada dadka ku bakaracay iska hor-imaadyada hubeysan ee ka socda degaannada Al-Maata iyo Raayaa Al-Mata tan iyo 13-kii bishaan socota ee April waxa ay kor udhaaftay 50,000 oo ruux” ayaa lagu yiri taqriir kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan waxa loogu yeero isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.
Waxa uu sheegay in 42,000 oo kamid ah dadkaas ay kasoo barakaceen dhinaca Koonfureed, si gaar ah hareeraha magaalada Koobo, halka 8300 oo kale ay kasoo barakaceen degaanka Siktowa ee dhaca woqooyiga gobalka, isagoo intaa ku daray in badi dadkaas ay yihiin haween, caruur iyo waayeello.
Mandiqaddaan ayaa waxaa ku muran Maleeshiyaadka Amxaarada iyo kuwa Tigreega, iyadoo iska hor-imaadyada udhexeeya labadaan qolo ee ku saleysan isir sifeynta ay qarxeen muddo sano kahor ah.
Bishii November ee sannadkii 2020-ka Maleeshiyaad iyo ciidamo gaar ah oo katirsan kuwa Amxaarada ayaa gudaha ugalay manaadiqdaan, xilligaas oo uu qarxay dagaalka udhexeeyay xukuumadda Adis Ababa iyo Jabhadda Tigreega ee TPLF oo la kali noqotay maamulkeeda.
Heshiis nabadeed udhexeeyay xukuumadda Abey Axmed iyo TPLF ayaa bishii November ee sannadkii 2022-ka waxa uu ka dhacay dalka Koonfur Africa, kaas oo lagu soo dhameeyay colaaddii ka dhaxeeyay labada dhinac, islamarkaana lagu heshiiyay in Maleeshiyaadka Amxaarada oo taageero hagar la’aan ah siiyay dowladda Xabashida Itoobiya ay isaga baxaan degaannada Tigreega.
Arbacadii lasoo dhaafay maamulka Amxaarada ayaa Jabhadda hureynta shacabka Tigreega ee TPLF ku eedeysay iney soo qaaday duullaan si buuxda uga hor imaanayaa heshiiskii ka dhacay magaalada Pretoria, iyagoona dalbaday in maleeshiyaadka Tigreega ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan degaannada ay weerarka kusoo qaadeen.
Dhowr safaaradood oo ku yaalla Itoobiya sida Faransiiska, Ingariiska, Jarmalka iyo Mareykanka ayaa sabtidii lasoo dhaafay sheegay iney ka walaacsan yihiin dagaallada dib uga soo cusboonaaday woqqooyiga Itoobiya, iyagoona bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ku codsadeen in la joojiyo dagaalladaas lana ilaaiyo badqabka dadka rayidka ah.
Waxaa xusid mudan in aan la xaqiijin karin xaaladda dhabta ah ee jirta mandiqadda, maadaama madaxda federaalka ay ka hor istaageen in saxafiyiinta ay soo galaan gobolka, islamarkaana ay soo tabiyaan wadciga rasmiga ah ee ka jira halkaas