HomeAll news28 Saafaradood oo Yahuuddu Leedahay oo la Xiray Kadib Hanjabaad Katimid Iiraan.

28 Saafaradood oo Yahuuddu Leedahay oo la Xiray Kadib Hanjabaad Katimid Iiraan.

Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaaku Hanjabtay Weeraro ka Dhan ah Maamulka Yahuudda, iyadoo28 Saafaradood oo uu Kayaanka Suhyuuniga ah leeyahay Albaabada la’isugu Dhuftay.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weeraradii magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya lagula beegsaday saraakiil katirsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, waxaa sii kordhayay hanjabaadaha ay jeedinayaan madaxda nidaamka Shiiciga ah ee ku aaddan iney fulinayaan weeraro aargoosi ah.

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa jeediyay hadallo goodis ah oo ka dhan ah maamulka Yahuudda, kuwaas oo uu ku sheegayo in jawaab adag laga bixin doono xasuuqii ciidamadooda loogu geystay magaalada Dimishiq.

“Go’aanka ah in laga aargudanayo Israa’iil waa la gaaray, Waxaan ku dhufan doonnaa dharbaaxo xooggan, Waa la hirgelin doonaa.” ayuu yiri Maxamed Ridaa oo ah wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.

Wixii ka dambeeyay hajnabaadaas Maamulka Yahuudda ayaa muujiyay baqdinta uu ka qabo weeraro laayaan ah oo ka yimaada dhanka xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, kuwaas oo beegsanaya masaalixda kayaanka Suhyuuniga ah.

Ku dhawaad 30 saafaradood oo uu Maamulka Yahuudda ku leeyahay caalamka ayaa albaabada la isugu dhiftay, iyadoona qalqal amni uu soo wajahay maamulka gumeysiga.

Illaa iyo haatan inta la hubo waxaa la xiray 28 saafaradood oo ay Yahuuddu ku leeyihiin caalamka, sababo la xiriira baqdin laga qabo in lala beegsado weeraro xooggan, sida uu shaaciyay wargeyska Jerusalem Post ee ay Yahuuddu leeyihiin.

Waxaa si kumeel gaar ah loo xiray safaaradihii uu Maamulka Yahuudda ku lahaa wadamada kala ah  Azerbaijan, Bahrain, Masar, Jordan, Morocco, iyo Turkmenistan.

Waxaa intaa dheer in dalal kale Safiirada qaar ee Yahuudda ah lagula taliyay inay ka fogaadaan munaasabadaha ay dadka badan isugu imaanayaan, iyo xittaa goob waliba oo ay suuragal tahay in weeraro lagu beegsado.

Weerarkii dhawaan ay diyaaradaha maamulka Yahuudda ka fuliyeen qunsuliyadda dowladda Shiicada ah ee Iiraan ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya ayaa lagu dilay ugu yaraan 7 saraakiil muhiim ah oo katirsan xukuumadda Tehran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular