Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa shil diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha dalka Malaysia, kaas oo sababay khasaare isugu jira naf iyo maal intaba.
Taliska ciidamada badda ee xukuumadda Malaysia ayaa shaaca ka qaaday, in ugu yaraan 10 ruux ay ku dhinteen shilkaan diyaaradeed oo ka dhacay qeybo kamid ah dalkaas.
Shilka ayaa yimid ka gadaal markii laba diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga ukaca ee loo yaqaanno Helicoptrs-ka ay ku burbureen hawada dalkaas, xilli ay ku guda jireen howlo tababar ah.
“Dhammaan 10-ka ruux ee dhimatay waa shaqaalaha diyaaradaha, shilkaas ayaana waxa uu si gaar ah kaga dhacay xerada Lomot oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Malaysia, kuna taalla gobalka Biiraak ee dhaca galbeedka dalka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska ciidamada badda ee dowladda Malaysia.
Taliyaha hawlgelinta ee Waaxda Dab-damiska Malaysia Suhaymi Maxamed Suheyl ayaa dhankiisa sheegay, in Labada diyaaradood ee Helicopters-ka ah ay isku dhaceen intii ay ku guda jirtay duulimaadkooda tababarka, kooxaha caafimaadkana ay xaqiijiyeen dhimashada dhammaan tobanka qof ee shilkan ku dhintay.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa muujinayay, diyaarado badan oo Helicopters ah oo jawi hoose ku socda, kuwaas oo si xad ah ugu soo dagaya garoonka ciidamada badda Malaysia ee Lomot, kuwaas oo udiyaaar garoobayo xaflado la sheegay in la qabanayo bisha May ee soosocta.
Mid kamdi ah labada diyaaradood ee Hellicopterka ayaa ku dhufsatay seynta mida kale, taasoo keentay iney soo dhacaan, illaa ugu dambeyn ay ku burbureen goob aan laga arkeynin muuqaal la baahiyay.
Laba maalmood ka hor ayay aheyd markii shil diyaaradeed oo nuucaan ah oo ka dhacay dalka Japan ay ku dhinteen ugu yaraan 2 ruux, nolol iyo geerina lagu waayay 7 kale, kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood oo Helicopters ah.