HomeAll newsTurkiga oo Dad Ryid ah ku Dilay Duqeyn uu ka Geystay Woqooyiga...

Turkiga oo Dad Ryid ah ku Dilay Duqeyn uu ka Geystay Woqooyiga Dalka Ciraaq.

Ila wareedyo xagga ammaanka ah ayaa warbaahinta uxaqiijiyay, in ugu yaraan 2 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen duqeyn diyaaradeed oo ay dowladda Turkiga ka geystay mandiqad dhacda magaalada Dahuuk ee ku taalla woqooyiga dalka Ciraaq.

“Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhimatay, mid kalena wuu ku dhaawacmay, duqeyn ay diyaaradaha Turkiga ka geystay xaafad katirsan woqooyiga magaalada Dahuuk” ayuu yiri il wareed amni oo saxaafadda la hadlay.

Waxa uu intaa ku daray in 3-da ruux ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday duqeynta ay kaasoo baxeen tuulada ay ka dagnaayeen magaalada, si ay geedo uga soo gurtaan buur ku taalla Mandiqadda, halkaasna lagu duqeeyay.

14-kii bishii January ee lasoo dhaafay, wasaaradda dagaalka ee dowladda Turkiga ayaa sheegtay, in ciidankooda ay fuliyeen duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay woqooyiga dalka Ciraaq, kuwaas oo ay sheegeen iney ku burburiyeen 24 hadaf oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee PKK.

Ciidanka dowladda Turkiga ayaana duullaan mellatari ku jooga qeybo kamid ah waddanka Ciraaq, si gaar ah gobalka Kurdistan, halkaas oo ay ka geystaan weeraro ka dhan ah maleeshiyaadka PKK, iyagoo xilliyada qaar xasuuq u geysta dadka rayadka ah.

Xukuumadda Ankara ayaa marar badan duqeymo ay ka fulisay qeybo kamid ah dalka Ciraaq waxay ku beegsatay dad rayid ah, kuwaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacabka.

Ciraaq oo kaliya maahane, waxay dowladdaan dhibaato ku heysaa bulshada ku dhaqan dalka Suuriya, halkaas oo ay duullaan mellatari ku joogaan ciidankeeda, waxaana si lamid ah dowladda Turkiga ay dalkaan ka fulisay duqeymo wuxuushnimo ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Maleeshiyaadka PKK ee kasoo horjeeda dowladda Turkiga ayaa dhankooda geysta weeraro xooggan oo ka dhan ah ciidanka Turkiga, iyagoo xilliyada qaar weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliya gudaha dalka Turkiga, kuwaas oo ay ku beegsadaan xarumo dowladeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular