Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey dagaalkii Busleey, iyadoo la helayo magacyada saraakiil kamid ah kuwa lagu dilay dagaalka.
Liibaan Golcad oo ahaa taliye kuxigeenkii ciidamada Bolis Millitaaro loogu magacdaray ayaa kamid ah saraakiisha saaka lagu dilay dagaalka ka dhacay deegaanka Busleey ee hoostaga deegaanka Jazeera.
Sarkaalkan ayaa waayadii dambe aad uga soo muuqanayay baraha bulshada iyo warbaahinta, isagoo ku faanaya in ciidamadiisu ay howlgallo ka wadaan deegaannada xeebta ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Marko.
Ciidamo uu hogaaminayay Liibaan Golcad ayaa dhawaan tacadiyaad foolxumo badan ka geystey deegaanno hoostaga magaalada Marko, halkaas oo ay ku kufsadeen haween muslimaad ah.