Wararka ka imaanaya dalka Haiti ee ay qalalaasadaha siyaasadeed ka taagan yihiin ayaa ku waramaya, in rasaas laga laqmay meel udhaw xarunta madaxtooyada ee looga arrimiyo dalkaas.
Warkaabinta ayaa soo tabineysa in rasaas aad uxooggan laga maqlay meel u dhaw qasriga looga arrimiyo dalka ee ku yaalla caasimadda dalkaas, xilli dalka ay ka taagan yihiin xasarado siyaasadeed oo ka dhashay maqnaanshiyaha ra’iisal wasaaraha dalkaasi oo ka maqan dalka.
Maalintii Axadda ee lasoo dhaafat, dalka Haiti ayaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah, kadib markii ay sara ukaceen howlaha cunfiga ah, iyo in kooxo hubeysn ay xabsiyada ka sii deeyaan maxaabiista, taas oo ay sii dheer tahay barakicinta ku dhawaad 10,000 oo ruux.
Arrimahaan ayaa dhacaya iyadoo ra’iisal wasaaraha dalka Haiti uu ku sugan yahay Kenya, isagoo uxusl duubaya sidii uu heshiis iskaashi xagga amniga ah ula yeelan lahaa dowladdaas, si loola dagaallamo kooxaha qaska ka wada dalka Haiti.
Kenya ayaa aqbashay heshiiska, iyadoona sheegtay in ciidamo gaaraya 1,000 askari oo booliis gaar ah u dirto dalkan, si ay u gacan uga gaystaan dib usoo celinta xasilloonida Haiti.
Mareykanka ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Haiti inuu dadajiyo hannaanka kala guurka ee siyaasadda xilli kooxo hubeysan ay doonayaan inay xilka ka tuuraan.
Dalka Haiti ee dhaca woqooyiga qaaradda America ayaa waxa uu kamid ah dalalka ugu rabshadaha badan ee caalamka, halkaas oo ay ka dhacaan weeraro xooggan oo ka dhan ah xukuumadda iyo dadka rayidka ah.
Maleeshiyaad hubeysan oo wajiyo kala duwan leh, islamarkaana ka dhisan dalka Haiti ayaa fulinaya weerarada, iyagoona geysta xasuuq aan kala sooc laheyn, waxaa intaa dheer rabshada ka dhacaya gudaha xasbiyada ku yaalla dalka Haiti.
Kumannaan maxaabiis ah ayaa isaga baxsaday xasbiyada ku yaalla dalkaan, kadib markii ay iska hor-imaadyo ka dhex dhaceen ciidamada boliska iyo maxaabiista.
Maleeshiyaadka ka dhisan dalkaan ayaa qaarkood waxay ka shaqeeyaan dhoofinta waxyaabaha mukhaddiraadka ah ee dhibaatada ku haya bulshada, arrinkaas oo sababay iney dhacaan iska hor’imaadyo udhexeeya ciidamada iyo maleeshiyaadka.