Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay saldhigyada ciidamada Dowladda Federaalka ee deegaanka Jaziira iyo degmada Afgooye.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah in ciidamada halkaas ku sugan aaney usoo gurman ciidamada Dowladda Federaalka ee saaka lagu weeraray deegaanka Busleey ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale qarax xoogan lagu weeraray ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo kasoo gurmaday deegaanka Jaziira, waxaana lagu qasbay iney ku laabtaan halkii ay kasoo baxeen, iyadoo la gaarsiiyay khasaare kala duwan.