Warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan waxay idiin soo gudbineysaa muuqaal raad-reeb ah oo ku saabsan boobka ka dhanka ah badda iyo bariga Soomaaliya ee ay wado Xabashida Itoobiya iyo ololaha ay sannadihii dambe madaxda DF ku doonayeen iney ku cirib tiraan cadaawada guunka ah ee Xabashida kuna caadiyeeyaan cilaaqada Abiy Axmad ee ku aadan gumeynta ummadda Soomaaliyeed.
Muuqaalka ayaa waxa uu soo bandhigayaa xaqiiqooyin qof walba oo daawada uga filnaanaya xaqiiqda dhabta ah ee cadaawadda Itoobiya, ololaha ay ku dooneyso iney ku qabsato badaheena, sida ay u fakarayaan madaxda Itoobiya iyo heerka ay qadiyad iyo qab ka joogaan madaxda dowladda Soomaaliya.
Muuqaalkan oo la daawan karo muddo ku dhow 40 daqiiqo ayaa waxaa kasoo muuqanaya madaxweynaha DF iyo madax kale oo caddeynaya in ay mar hore Itoobiya kala hadleen sidii ay bad Soomaaliyeed ku heli lahayd balse ay qoonsadeen kaliya dariiqa uu maray Abiy Axmad.
Sidoo kale waxaa muuqaalka uu soo bandhigayaa mowqifka dowladda Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya kaasoo ah in dalkan uu noqdo gobol kamid ah Itoobiya oo looga soo taliyo magaalada Adisababa.
Ka daawo ama kala deg Link Facebook