HomeAll newsCiidamada Xarakada Al-Shabaab Oo Dib Ula Wareegay Cammaara.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Oo Dib Ula Wareegay Cammaara.

Waxaa goordhow dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Cammaara oo ay maanta isaga baxeen ciidamada Dowladda Federaalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa deegaankan ku yimid guluf dagaaleed, iyagoo meesha ka saaray maamulkii islaamiga, waxaase mudo kadib ay isaga baxeen halkaas.

Mid kamid ah asbaabaha loo aaneeyay arinkan, waa iyagoo aad uga baqanaya iney weeraro la mid ah kii Caad kala kulmaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xaaladda Cammaara ayaa caawa degan, waxaana dib ugu laabtay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo maamulkii islaamiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular