HomeAll newsAFRICOM maxay ka tiri Awoodda Ciidamada Dowladda Federaalka?

AFRICOM maxay ka tiri Awoodda Ciidamada Dowladda Federaalka?

Dhawaan taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda AFRICA oo khudbad ka hor jeedinayay aqalka Senatka Maraykanka ayaa walaac ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya, marka ay dalkan isaga baxan ciidamada Shisheeyaha ee ka socda dalalka Afrika.

Gen Langely oo la hadlayay odayaasha Congreska Maraykanka ayaa tilmaamay in si kastoo Maraykanku taageero dhan weliba ah u siiyay ciidamada Dowladda Federaalka, hadana aanay ahayn ciidamo lugahooda isku taagi kara, kana hortagi kara weerarada Xarakada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay madaxa Afrcom, in ciidamada Soomaalida aan lagu halleyn karin amniga dalka, marka ay ciidamada Shisheeyaha isaga baxaan dalka, sida uu qorshaha yahay dhamaadka sanadkan 2024-ta.

Taliyaha AFRICOM, wuxuu sheegay iney ciidamada Soomaalida ka taageereen dhanka ciidanka, dhaqaalaha iyo wardoonka, hadana sidaasoo ay tahay aaney weli lahayn awood ciidan, ciidamada Al-Shabaabna ay car car xoogan yihiin.

Hadalka taliyaha ciidamada Maraykanka ee Africom oo maalmo kahor ahaa ayaa imaanaya, iyadoo maanta weerar cagmarin ah uu ka dhacay deegaan u dhow Muqdisho, halkaasoo lagu laayay ciidamo iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular