HomeAll newsXukun Xaddul Qisaas ah Oo ka dhacay Dalka Afghanistaan.

Xukun Xaddul Qisaas ah Oo ka dhacay Dalka Afghanistaan.

Maxkamadaha Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa fuliyay xukunno qisaas ah kuwaas oo lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaal geystay dilal kala duwan.

Fagaara kuyaal wilaayada Qazni ayaa xukun qisaas ah lagula fuliyay laba nin oo si ulakac ah udilay carruur.

Amarka lagu fuliyay xukunnada qiyasaasta ah waxaa ku saxiixan Amiirul mu’miniin almullah Beybatul amiirka guud ee imaarada islaamiga Afghanistan.

Xukunka dilka ah ayaa waxaa lagu kala fuliyay Sayid Jamaal oo kamid ah dadka gobalka ku nool Wardak, iyo Qal-Khaan oo kamid ah dadka ku dhaqan wilaayada Qazni, kuwaas oo lagu helay cadeymo muujinaya iney falka dilka ah heysteen.

Goobta ay xukunnadan qisaasta ah ka dhacayeen waxaa soo xaadiray kumanaan kun oo muslimiin ah kuwaas oo ku faraxsanaa in dhulka Afghanistan lagu tadbiiqiyo shareecada Islaamka kadib 21 sano oo ay duullaan ku joogeen ciidamada saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa NATO.

Sidoo kale waxaa meydaanka ay toogtu ka dhaceysay ku sugnaa masuuliyiin sarsare oo katirsan Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan, iyo ehellada caruurta ay dileen labada nin ee qisaasra laga fuliyay.

Imaarada islaamiga ah ee Afghanitsan ayaanan markaba gorgon ka galin ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo fulinta xuduudaha Sharciga ah, arrinkaas oo ay marar badan adkeeyeen masuuliyiinta ugu sarreysa Imaarada oo uu ku jiro Amiirka xukuumadda Islaamiga ah Sheykh Mowlahi Hibatullaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular