HomeAll newsWiil Dhalinyaro ah oo Bil Kahor ay Dhaawaceen Maleeshiyaadka Liyu Bolis oo...

Wiil Dhalinyaro ah oo Bil Kahor ay Dhaawaceen Maleeshiyaadka Liyu Bolis oo Ugeeriyooday Dhaawacaas.

Waxaa xalay geeriyooday Nimcaan Xabiib Faarah oo ahaa wiil dhalinyaro xerow ah oo ay Maleeshiyaadka Liyu Bolis dhaawac kas ah ugu gaysteen 22/1/2024 deegaanka Cawlkudhal oo katirsan dagmada Yoocaale gobolka Jarar.

Nimcaan oo ah wiilka u geeriyooday dhaawaca ay u gaysteen ciidamada Liyu Bolis oo ay ku adeegtaan Xabashida Itoobiya ayaa xiliga la dhaawacayaY waxa uu jooga magaladii uu ku dhashay, mana ahayn qof hubaysan oo waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ah xirta masjid ku yaalla magaalada.

Maleeshiyaadka Liyu Bolis ayaa wiilkaan ugu tagay gurigiisa, iyagoona si bareera xabad ugu dhuftay.

Nimcaan oo wax ka badan bil la jiifay dhaawaca kasoo gaaray xabad si bareer ah ay ugu fureen askarta Liyu Bolis ayaa xalay u geeriyooday dhaawaca.

Ehelada Nimcaan ayaan ilaa iyo hada cadaalad helin, iyagoona bulshada waydiistay inay u danqadaan wiilkooda oo ay u kacaaan si ay ugu helaan cadaalad tiirkana loo keeno askarigii dilay wiilkooda.

Sikastaba Maleeshiyaadka Liyu Boliska ee u adeega dowladda Xabashida Itoobiya ayaa aalaaba dadka shacabka ah si bareera u beegsada, iyagoona marba marka ka danbaysa sii xoojiyay dilaka ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumaysiga Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular