Markii ugu horraysay madaxweynaha Yukreyn ayaa ka hadlay tirada ciidamadiisa looga dilay dagaalka culus ee ay kula jiraan melleteriga Ruushka mudada 2-ada sano ah ee uu dagaalkaasi socdo.
Faladmiir Zalaniski oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Kiyeef ayaa sheegay in duullaanka Ruushka ee dalkiisa ay ku waayeen 31 kun oo askari halka kumanaan kun oo kale ay ku dhaawacmeen.
“31 kun oo askari ayaa noogala dilay dagaalka Yukreyn ee ma ahan 300 oo kun ama 150 kun oo askari” ayuu yiri Zekeniski oo meesha ka saarayay tirakoobyo farabadan oo sanadadii uu dagaalku socday ay warbaahintu ka tebinaysay askarta Yukreyn ee ruushku dilay.
Halkan ka dhagayso Warbixinta.