HomeAll newsTobannaan Ruux oo ku Dhintay Weeraro ka Dhacay Dalka Burkinafaso.

Tobannaan Ruux oo ku Dhintay Weeraro ka Dhacay Dalka Burkinafaso.

Saacadihii lasoo dhaafay dalka Burkinafaso waxaa ka dhacay weeraro ay dhiig badan ku daateen, kuwaas oo lala beegsaday Masjid iyo Kaniisad ku yaalla gudaha dalkaas.

Ilaa wareedyo Amni iyo kuwa Maxalli ah ayaa soo tabinaya, in tobannaan ruux ay ku dhinteen weerar lagu tilmaamay mid ballaaran oo lala beegsaday Masjid ku yaalla bariga dalka Burkinafaso.

“Kooxo hubeysan ayaa soo weeraray Masjid ku yaalla Nataya-Bawani ee dalka Burkinafaso, kaas oo sababay dhimashada tabannaan ruux” sidaasi waxaa yiri ila wareed amni oo saxaafadda la hadlay

Mid kamid ah dadka degaanka oo lagu wareystay qadka taleefanka ayaa isana sheegay, in dhammaan dadka lagu laayay weerarkaan ay ahaayeen dad Muslimiin ah, kuwaas oo u badnaa rag masaajidka uyimid in ay salaadda tukdaan.

Ila wareed maxalli ah oo isana saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in maleeshiyaadka weerarka geystay ay xilli aroor hore ah ay soo galeen magaalada, islamarkaana ay hareereeyeen Masjidka.

Maleeshiyaadka weerarka geystay ayaa rasaas oodda kaga qaaday dad halkaasi ku sugnaa oo doonayay iney salaadda tukadaan, waxaana dadka la laayay ku jiray caalim weyn oo laga garanayay magaalada.

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa lasoo warinayaa iney tiradoodu aad u badneyd, waxayna geysteen khasaare maaliyadeed oo baaxad leh, sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.

Isla maalintaas waxaa dalka Burkinafaso ka dhacay weerar kale oo lagu qaaday Kaniisad ku taalla woqooyiga dalkaas, kaas oo isana sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka lagu qaaday Kaniisadda, laguna dhaawacay 2 kale, waxaana xilligii uu weerarku dhacayay Kaniisadda ku sugnaa dad badan oo Kirishtan ah.

Dalka Burkinafaso waxaa marar badan ka dhacay weeraro kuwaan lamid ah, kuwaas oo ay geystaan Maleeshiyaad hubeysan oo inta badan xasuuq wadareed kula kaca dadka rayidka ah ee ku dhaqan dalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular