Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay weerar kala duwan oo siugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah ka fuliyeen qeybo kamid ah goballada dalka, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeye iyo kuwa DF.
Haddaan ku horreyno magaalada Muqdisho, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qaraxyo ku weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen askar katirsan DF oo ku yaalla gobalka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay agagaarka Sarkuusta, waxaana khasaaraha horudhaca ah ee lasoo warinayo uu tibaaxayaa dhaawaca ugu yaraan hal askari.
Fasiisin ay askarta DF ku leeyihiin xaafadda Gubadleey degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, ayay sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen weerar qarax ah.
Dhanka gobalka Baay waxaa tafaasiil dheeraad ah laga helayaa weerar ay xalay ciidamada Xarada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, fariisin ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin demada Diinsoor.
Weerarkaan waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidankii Xabashida ee ku sugnaa fariisinka la weeraray.
Dhanka gobalka Sh-hoose, waxaa isana ka dhacay howlgallo kala duwan oo ka dhan ah shisheeyaha dalka kusoo duulay iyo askarta DF.
Howlgal qorsheysan ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose, kaas oo lagu beegsaday askari katirsan DF.
Askariga la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Aadan, waxa uuna si gaar ah uga tirsanaa ciidanka dharcadda ee DF.
Isla gobalka Sh-hoose, waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab mireen xerooyin dhowr ah oo ay askarta shisheeye gaar ahaan kuwa Uganda iyo kuwa DF ku leyeihiin qeybo kamid ah gobalka.
Saldhigyada lagu weeraray ciidanka Uganda ayaa ku kala yaalla degaannada Golweyn, Buur-Colow- iyo eleboorka degmada Baraawe.
Sidoo kale waxay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, fariisin ay askarta DF ku leeihiin degmada Jannaale ee gobalka Sh-hoose.