Waxaa goordhow deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ka dhacay qarax culus oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka.
Qaraxa waxa uu si gaar ah u beegsaday ciidamo lugeynayay oo katirsan kuwa loogu yeero Boolis Millitaro, waxaana ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay 2 askari oo katirsan ciidankii lugeynayay ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 3 kale.
Ciidamada Booliis millitaaro ayaa qaabilsan la dagaalanka shacaa’irta Islaamka, sida xijaabka gabdhaha muslimaadka ah, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ciidankeeda ay marar badan fuliyeen howlgallo ka dhan ah askartan.