HomeAll newsNEWYORK TIMES: Al-Shabaab Way Iska Caabisay Duullaanka Isbaheysiga.

NEWYORK TIMES: Al-Shabaab Way Iska Caabisay Duullaanka Isbaheysiga.

 

Mid kamida wargeysyada ugu afka dheer dalka Mareykanka ayaa soo daabacay warbixin uu uga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha ammaanka,siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa jihaadiga ah ee Al Shabaab uu ka gudbay shirqoollo dhowr ah oo quwadaha shisheeye iyo kuwa maxalliga ah ay ku doonayeen in ay ku wiiqaan si ay Soomaaliya uga hirgeliyaan nidaam dimuquraadi ah.

Ugu horrayn wargeyska ayaa warbixintiisa ku daah furay in bartamihii sanaddii 2022 ay Al Shabaab wajahday dagaallo culus oo lagu qaaday balse ay si adag isaga difaacday islamarkaana hadda iyagoo awood leh lasoo gaaray waqtigii ay dalka Soomaaliya isaga bixi lahaayeen ciidamada Afrikaanta ATMIS.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa wareysi uu New York Times kusiiyay xafiiskiisa Muqdisho wuxuu uga hadlay caqabadaha faraha badan ee uu maamulkiisu wajahayo wuxuuna tusaale usoo qaatay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Itoobiya.

Gurguurte ayaa wargeyska NY Times uxaqiijiyay in Abiy Axmed R/wasaaraha itoobiya uu maalin ka hor intii aan lasaxiixin heshiiskii badda uu xiriir lasoo sameeyay una sheegay in uu Muuse Biixi yimid Addis Ababa.

“Abiy waa isoo wacay maalinkii uu heshiiska saxiixay habeenkii ka horreeyey, waxaa uu iisheegay inuu Muuse Biixi booqasho uun kujoogo Addis-ababa” sidaas waxaa yiri Xasan Sheekh isagoo gacmihiisa ku garaacaya miis uu dulfadhiyay.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku xusay in dowladda Federaalka ay hadda ka dhaxtaagantahay isgoys aysan ogeyn halka ay uga dhaqaaqayso ayna sugayaan caqabado dhowr ah oo isbiirsaday waxaana caqabadahaas ugu weyn midda Al Shabaab maadaama ay dabayaaqada sanadkan ay Soomaaliya isaga baxayaan ciidamada shisheeyaha ATMIS.

Al Shababaab ayaa si joogta ah ufulinaysa weeraro laayaan ah oo ay kusoo afjarayso xeryaha maleeshiyaadka dowladda ee dalka dibaddiisa lagusoo layliyay.

Xasan Gurguurte ayaa si uu daboolo fashilkiisa wuxuu ku hadaaqay in markii uu talada qabtay uu lakoowsaday dhibaatooyin isbiirsaday sida abaaro,tafahaad,dagaalka Al Shabaab iyo arrimo kale.

NY Times ayaa warbixintiisa kusoo qalin daartay azmada dhaqaale ee nidaamka Xasan Sheekh ka riday dalka Soomaaliya iyo heshiisyada lagu boobayo kheyraadka ee uu la saxiixday dowladaha shisheeye.

Xasan oo taagan isgoyska halistiisaa leh ayaa si aan isbarqabasho laheyn wuxuu dowladda Turkiga ula saxiixday heshiis dhigaya in muddo 10 sano ah Atraaktu daldashaan kheyraadka dhax ceegaaga biyaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu dowladda Mareykanka lagalay heshiis dhigaya in dalka laga dhiso 5 saldhig oo ay ku baxayso lacag dhan 100 milyan oo dollar.
Dhammaan heshiisyadan mugdi badan ayaa ku gadaaman, warbaahinta iyo golayaasha baarlamaanka loomasoo bandhigay nuqullo ay ku cadyihiin sida loo kala qaadanayo dhaqaalaha kasoo xaroonayo badda Soomaaliya iyo wadarta dhaqaalaha soo xaroon doona.

Marka laga hadlayo dhaqaalaha Soomaaliya waxaa magaalooyinka waaweyn oo ay Muqdisho ugu horraysa kajira sicir barar,shaqa la’aan iyo hoos udhac weyn oo kuyimid dhaqaalaha qof walba soo gala bishii.

Waxaa dhulka galay ganacsiga dhulalka kadib markii qoyska madaxweynaha iyo xubnaha xisbigiisa ay ku dhaqaaqeen dhulboob xarkaha goostay kaasi oo dhaliyay iska hor’imaadyo ay dad badan ku dhinteen kuwa kalane si qasab ah guryahooda looga barakiciyay.

Mas’uuliyiinta DF-ka ayaa ku doodaya in heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland dhaxmaray uu halis gelinayo ladagaalka ka dhanka ah jihaadiyiinta Al Shabaab.

Dhagayso Warbixin New york times oo ka hadashay fashilka Dowladda Federaalka iyo Awoodda Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular