HomeAll newsMaxaad Ka Ogtahay Qodobada Heshiiska Badda ee Turkiga iyo Dowladda Federaalka?

Maxaad Ka Ogtahay Qodobada Heshiiska Badda ee Turkiga iyo Dowladda Federaalka?

Kadib markii ay soo korortay xiisada ka taagan mandiqada loo yaaqan bariga dhexe sababo ku aadan beegsiga maleyshiyaatka xuuthiyiinta ee maraakiibta mara biyaha gacanka Cadmeed iyo marinbiyoodka Baabul Mandab wixii ka dambeeyay markii uu soo ifbaxay howlgalka Duufaanta Al-aqsaa ee Filasdhiiniyiinta, waxaa geeska Afrika kasoo muuqday heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaas oo lagu sheegay in ugu yaraan 20KM oo kamid ah biyaha badda cas ee Soomaaliya lagu wareejinayo Itoobiya, arinkaas oo markale indhaha caalamka kusoo jeediyay mandiqadan geeska Afrika.

Kadib heshiis kusheegaasi waxay dhanka kale dowlado badan oo ay ku jiraan Maraykanka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska iyagana walaac ka muujiyeen xaalada cakiran ee ka jirta gacanka Cadan oo loo tixgeliyo in uu marin muhiim ah uyahay ganacsiga iyo isku socodka maraakiibta caalamka.

8-dii bishan aan ku guda jirno ee Fabraayo wuxuu wasiirka gaashaandhiga Dowladda Federaalka Cabdu Qaadir Maxamad Nuur uu booqasho ku tagay Turkiga si uu dhigiisa wadankaasi uga soo saxiixo heshiis difaac iyo mid dhaqaale oo maamulka Villa Soomaliya la gasho xukuumada Ankara.

Isla bishan 21-keeda waxay Dowladda Federaalka iclaamisay in ay saxiixeen heshiiskaasi lana horgeeyay xukuumada iyo baralamaanka, iyadoona Xasan Guurguurte uu kasoo muuqday warbaahinta si uu dadka uga dhaadhiciyo heshiiska uu la galay dowlada Turkiga.

Dad badan oo isugu jira khubaro iyo falanqeeyayaal ayaa qaba in surcada iyo degdega uu ku yimid heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Dowladda Federaalka ay ka dambeeyaan arimo muhiim ah iyo ujeedooyin uu Turkigu ka leeyahay geeska Afrika, waxayna shakhsiyaadka sida aadka ula socda arinkan ay ku tilmaameen wax lala yaabo oo ay su’aalo ka dhalanayaan.

Dhagayso Warbixin heshiiska Turkiga iyo Dowladda Federaalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular