Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay deegaanno dhowr ah oo katirsan ismaamulka Amhara ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ka socdaan loollano aad u adag.
Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka jabhadda Amxaarada Fano ay la wareegeen illaa sedax deegaan oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Federaaliga ee daacadda u ah Abiy Axmed.
War kasoo baxay jabhadda Fano ayaa lagu sheegay in xoogagoodu ay ciidanka dowladda ka faramaroojiyeen degmada Dangala Gojjam islamarkaana ay gacanta ku dhigeen saad ciidan iyo agabyo melleteri.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda Itoobiya ay xireen wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Bahir Dar iyo Addis Ababa sababa laxiriirta taqadumka ay kooxaha mucaaradku ka sameynayaan jiidda dagaalka.
Dhinaca kale maleeshiyaad mucaaradka Oromada ee loo yaqaan OLA ayaa illaa 7 darawal oo kaxaynayay gaadiid xamuul ah ka qafaashay bariga gobolka Shewa Zone sida lagasoo xigtay saraakiisha booliska Itoobiya.
Dhacdooyinkan ayaa imaanaya xilli melleteriga Itoobiya uu jimcihii lasoo dhaafay shaaciyay in uu kumanaan katirsan ciidankiisa ku xoojiyay jiidda dagaalka ismaamulka Amhara si loosoo afjaro kooxda Fano.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa wajaheysa dagaallo dhinacyo kala duwan leh oo ay kula jirto maleeshiyaadka ka dhisan gudaha dalkeeda, waxaana taas usii dheer fuuqbaxa dhaqaale oo uu dalku wajahayo kadib markii ay waddanka isaga carareen milkiilayaasha sharikado ganacsi oo waaweyn, sababo ku aaddan amni darrada dalka ku baahday.
Inkastoo heshiis laga gaaray colaaddii mudada sanadada ah u dhexeysay kooxda TPLF iyo dowladda, ayaa haddana waxaa taa badalkeeda galay xiisadda iminka ka dhex aloolsan xukuumadda Adis Aababa iyo maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO.