HomeAll newsKhasaare ka Dhashay Dagaal Ciidamo Kawada Tirsan DF ku Dhexmaray Degmada Balcad.

Khasaare ka Dhashay Dagaal Ciidamo Kawada Tirsan DF ku Dhexmaray Degmada Balcad.

Maalintii shalay ciidamo katirsan DF ayaa ku dagaallamay degmada Balacd ee gobolka Sh-dhexe, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray, labadii ciidan ee dagaallamay.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah kaga dhacay, bar koontarool oo laga ilaaliyo degmada Balacad, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka degmada Balacad ee hoostaga DF.

Sida ay warbaahintu tabiyneyso, askar katirsan kuwa lagusoo tababaray dalka Eratariya oo degan xerada Hiilweyne, ayaa isku dayay iney koontoroolkan xoog ku maraan, waxay isku dhaceen ciidankii halkaasi horay ujoogay, dagaal ayaana ka dhex qarxay.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayey halkaasi isaga dileen, halka ay iska dhaawaceen mid kale.

Dagaalka kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan DF, kuwaasi oo goobta ka qaaday meydka askarigii la dilay, kii dhaawaca ahaana gacanta ayey ku dhigeen.

Askarta DF ayaa marar badan sidan oo kale horay dagaallo udhexmareen, waxaana kala gaaray khasaarooyin kala duwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular