Waxa loogu yeero Waaxda Dad-dhigista ee katirsan Maamulka Gobolka banaadir oo hoostaga DF, ayaa ku dhawaaqday mashruuc dhaqaalo uruursi ah, kaasoo ay ka ku dooneyso iney ku fushato danaheeda ugaarka ah.
Ninka uqaabilsan waaxadan maamulka gobolka banaadir, ayaa sheegay iney diiwaan gelinayaan, meher waliba iyo arooskasta oo ka dhaca Muqdisho, furriinka, dhimshada dadka iyo dhalashadooda intaba, waxaaana arrimahaasi oo dhan dadka loo qabanayo laga qaadayaa dhaqaale ugaar ah.
Waaxdan katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa caan ku ah musuq maasuqa iyo laaluush qaadashada, taasoo ay indhahooda kusoo arkeen, dadkii tegay xarunteeda.
Waxaa la is wediinayaa sababta DF ku kalliftay iney dhaqaale karaadiso arrimahan gaar ahaan guurka sharciga ah, iyaadoo la ogayahay in DF ay horay usaxiixday in dadka isku jinsiga ahi is guursan karaan.
Sidoo kale waxay su’aali ka taagntahay, maxay tahay dhimashada ay diiwaan gelineyso DF, marba haddii ay iyadu dagaal kula jirto nolshada dadka Soomaaliyeed, oo ciidankeedu Muqdisho mar waliba ku xasuuqayaan dadka rayidka ah.
Hadafka ugu weyn ayaa ah iney hesho dhaqaale farbadan oo ku dhaca qasnadeeda, iyadoo gabaad ka dhiganeysa iney wax uqabaneyso bulshada.
DF ayaa baad fara badan ka qaadda dadka Soomaaliyeed, taasoo isugu jirta, maalinle, bille iyo sanadle itaba, waxay waliba ugu sii dartaa iney marar qaar dadka ay baadeyso si macno darro ah isaga disho.