HomeAll newsDad ku Dhintay God Macdanta Laga Qodo oo Kula Soo Duntay Degmada...

Dad ku Dhintay God Macdanta Laga Qodo oo Kula Soo Duntay Degmada Gibilay.

Wararka naga soo gaarayo degmada Gibilay ee uu ka arrimiyo maamulka Somaliland ayaa sheegaya in laba nin oo macdan qodayaal ah ay ku geeriyoodeen kadib markii uu kusoo dumay god ay macdan ka qodayeen.

Labada ruux ee ku dhintay godka ku soo dumay ayaa lagu kala magacaabaa Mowliid Cabdi iyo Nimcaan Cismaan Callow, Waxayna ka mid ahaayeen ragga ka shaqeeya godadka laga qodo dababka ee deegaannadaasi.

Mid kamid ah raga macdanta ka qodayay godka dumay ee sababay dhimashada labada ruux, oo warbaahinta uga warbixiya siday wax u dhaceen, ayaa sheegay in si lama filaan ah uu godku usoo dumay.

“Labadaas ayaa gudaha ku jiray intayada kalena dibada ayaanu joognay, meeshii oo soo duntay oo isku baaba’day uunbaanu aragnay, il-biriqsi ayay ahayd daymada aan daymoonay iyo gariirka meesha ka baxay” ayuu yiri midka kamidka ahaa macdan qodayaasha.

Sidoo kale ruux labaad oo kamid ahaa raga macdanta qodayay, ayaa sheegay in labada nin ee dhintay uu mid gudaha hoose ku jiray, ka kalena uu meel soke taagnaa kadibna markii uu gabiga buurtuu dhaqaaqay uu isku dayay in uu ka kale bad baadiyo sidaana ay ku dhinteen labadooduba.

Xildhibaan Mursal Maxamed Jaamac oo kamid ah golaha deegaanka de degmada Gabilay, oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lasoo saaray maydadka, isla markaana loo qaaday magaalada Gabilay.

Howlaha qodista macdanta Dahabka ee deegaannadasi ayaa Labo ilaa saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaa lagu qiyasay in ka badan kun godod oo dhammaantood ahaa ah Dahabka.

Shirkado oggolaansiho ka haysta maamulka Somaliland iyo dad u badan muruq maal ayaa ka qodota dahabka sida uu warbaahinta u xaqiijiyey gudoomiyaha degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

Sikastaba intii uu deegaanadaasi ka bilaabmay howlaha qodista dahabka waxaa lasoo tabiyay in saddex dhacdo oo sidan oo kale ah, oo ay dad nafahooda ku waayeen ay deegaanadan ka dhaceen sannadihii lasoo dhaafay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular