HomeAll newsCiidamada Itoobiya oo Dhibaatooyin Adag ku Haya Ganacsatada Magaalada Jigjiga.

Ciidamada Itoobiya oo Dhibaatooyin Adag ku Haya Ganacsatada Magaalada Jigjiga.

Magaalada Jigjiga oo katirsan dhulka Soomaali-Galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida Itoobiya, ayaa waxaa ka taagan arrin dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi, gaar ahaan ganacsatada.

Ciidanka Itoobiyaanka ee jooga Jigjiga, ayaa dhac aan geed loogu soo gamban ku haya, xoolaha ganacsi ahaanta loo keeno magaalada Jigjiga oo ay ka mid yihiin Ariga, Dibida iyo wixi lamid ah, waxayna sido kale dhibaato ugeystaan ganacsatada iska leh xoolaha.

Maalmihiil lasoo dhaafay oo kaliya, waxay ciidanka Itoobiya xoog ku kaxeysteen xoolo farabadan, iyagoo dadkii lahaana markii ay is hor istaageen isaga reebay rasaas ay oodda kaga qaadeen, taasoo markii dambe keentay dhaawacyo badan.

Askarta Itoobiya ayaa ku doodaya in xoolaha ay dhaceen ay yihiin kuwo aan ogolaansho ka heysan maamulka la shaqeeya xabashida ee halkaasi ka jira, hase ahaatee dadkii xoolaha lahaa ayaa sheegay in xoolahoodu yihiin kuwo laga keenay guryo umuuqada Magaalada Jigjiga, waxayna cadeeyeen ineysan ahayn waxa lagu tilmaamayo.

Arrintan ayaa ilaa iyo haatan ka taagan magaalada Jigjiga, mana ahan markii ugu horreysay oo ay ciidanka Itoobiyaanku ku kacaan fal noocaan ah, waana mid kamid ah dhaqamada xun xun ee ay caanka ku yihiin, kuna tusaya gumeysiga lagu hayo umaddda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular