Dalka Burkinafaso ee galbeedka qaaradda Africa waxaa laga soo tabinayaa mid kamid ah goboodfalladii ugu foosha xumaaa ee ay ku kacaan ciidamada xukuumadda dalkaas, kuwaas oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
Xasuuq wadareed wuxuushnimo ah ayaa lasoo warinayaa in ciidanka xukuumadda Burkinafaso ay ka geysteen qeybo kamid ah dalka Burkinafaso, Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaana baahisay bayaan looga hadlay tacaddigaas.
“Axaddii lasoo dhaafay ee 15-ka bisha Shacbaan, ciidanka Burkinafaso ayaa ku kacay xasuuq aad ufoolxun oo ka dhan ah dadka rayidka ah, kaas oo ay ka geysteen inta udhexeysa degaannada Tiyu iyo Wahigawiya” ayaa lagu yiri qeybaha hore ee bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee looga hadlay xasuuqa ay geysteen askarta xukuumadda Burkinafaso.
Waxay Mujaahidiintu sheegeen in weerarkaan wuxuushnimada ah lagu dilay 223 ruux oo ubadan haween iyo caruur.
“Waxa uu weerarkaan foosha xun imaanayaa kadib markii ciidanka Burkinafaso uu ku fashilmay ka hortagidda weerarada Mujaahidiinta, gaar ahaan kii ka dhacay duleedka magaalada Wahigawiya, si uu caradiiga ugala dul dhaco dadka Mustadcafiinta ee Abriyada ah, isagoo geysanaya xasuuq aad ufoolxun oo ay diideyso dhammaan akhlaaqda iyo aadaabta dagaallada, waxaana Allaah ka baryaynaa inuu unxariisto dadka ku dhintay xasuuqaas, ehelkoodana uu ka sabar siiyo” ayaa lagu soo gaba gabeeyay bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee looga hadlay xasuuqa ay ciidanka Burkinafaso ugeysteen dadka rayidka ah.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta Jamaaca Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa fuliyay weeraro ballaaran oo ka dhan ah askarta xukuumadda Burkinafaso, kuwaas oo lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh.
Xasuuqaan ayaa kamid noqonaya kuwii ugu foosha xumaad abid ee ay ciidamada xukuumadda Burkinafaso kula kacaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan gudaha dalkaas, arrinkaas oo muujinaya heerka quusta ah ee ay taagan tahay xukuumadda daba dhilifka ah ee dalkaasi ka arrimisa.