Dalka Afghaistan ee dhaca qaaradda Aasiya ayaa ku tallaabsanaya horumarro dhan waliba ah, iyadoo xukuumadda Islaamiga ah ay juhdi ballaaran ku bixineyso kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidii ay bulshadu ku gaari laheyd isku filnaansho dhameystiran.
Ku dhawaad 10 ceel oo laga soo saarayo Shidaalka ayaa lasoo warinayaa in laga hirgaliyay dalka Afghanistan, arrinkaas oo qeyb ka qaadanaya horumarka ka jira dalkaas.
Wasaaradda Macdanta ee Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa shaaca ka qaada, in 7 ceel oo shidaal oo cusub laga hirgaliyay Mandiqadda shidaalka hodanka ku ah ee Amu Darya ee ku taalla gobolka Sarpol ee waqooyiga Afghanistan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda macdanta ee Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa sheegay, in xajmiga soo saarista maalinlaha ah, ee howlgalinta ceelal shidaal oo cusub, uu gaaray 1,350 tan.
Waxa uu intaa ku daray in tirada ceelasha Shidaalka ee la howlgaliyay ay dhan yiiin 24 ceel, taas oo muujinaysa in sanadkan gudihiisa la qodi doono 23 ceel oo cusub.
Ku dhawaad 1500 oo ruux ayaa ka howlgalada islamarkaana xoogooda kaga maasha goobaha Shidaalka laga qodo ee ku yaalla Mandiqadda Amu Darya ee katirsan gobolka Sarpol ee waqooyiga Afghanistan.
Xukuumadda islaamiga ah ayaa adkeysay iney ballaarinayso hannaanka soo saarista shidaalka, si Afgaanistaan ay uga mid noqoto dalalka soo saara Shidaalka halkii ay soo dhoofsan lahaayeen.
Marka laga yimaado Maamulka Islaamiga ah oo si adag ula dagaallamay fasaadka iyo amni darrada, ayaa waxaa haddana dhan kale ay xukuumaddu juhdi ballaaran ku bixineysaa sidii bulshadaan Muslimimka ah dhan waliba looga hormarin lahaa, islamarkaana uu dalku u noqon lahaa mid ay uhorumarsan yihiin waxsoo saarka dhinac waliba leh.
Muddo ka badan 20 sano oo isbaheysi Saliibi ah Mareykankuna hogaaminayo ay duullaan ku joogeen dalka Afghanistan kadib, ayaa waxa uu dalku galay marxalad cusub oo barwaaqo iyo amni ah, bulshada ayaana si weyn ugu riyaaqay nidaamka islaamiga ah, iyagoona sheegaya iney wax waliba uhurayaan sidii ay udifaacan lahaayeen maamulka Islaamiga ah.