Wararka ka imaanaya dalka Sweden ayaa ku waramaya, in askar katirsan boliska dalkaas ay toogasho ku dileen nin da’diisa lagu sheegay 30 sano, kaas oo lagu toogtay magaalada Sundsvall ee gudaha dalkaas.
Weerarka dilka ah ayaa waxa uu dhacay maalintii Isniinta, waxaana kasoo baxaya tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan qaabka uu udhacay weerarkaas.
Wararku waxa ay sheegayaan, in boliska oo roondo ku jiray ay tageen guru la dagan yahay oo ku yaalla magaalada, kadib markii la sheegay in muran uu ka taagan yahay halkaas.
Markii ay ciidamo tageen goobta ayay sheegeen iney kula kulmeen nin si qaab daran udhaqmaya waa sida ay hadalka u dhigeene, intaasi kadibna ay u arkeen in xaaladdu ay tahay mid halis ah, ayna toogteen ninka dhalinyarada ah.
Wakaaladda wararka ee Sweden ayaa sheegtay, in gaari Ambalas ah lagu qaaday ninka ay toogteen ciidamada boliska ee dalkaas.
Waxaa ninkaan la toogtay lagu soo eedeeyay inuu dhibaato u geystay shaqaale katirsan xukuumadda Sweden, arrinkaas oo dambi weyn ka ah gudaha dalkaas.
Baaritaan ayaa iminka ku socda qaabka ay wax u dhaceen, balse waxay bolisku ku doodayaan iney xaq ulahaayeen toogashada, ayna qeyb ka tahay waajibaadka saaran.
Dowladaha reer-galbeedka ayaa geysta tacaddiyaad kala duwan oo ka dhan ah dadka ku nool wadamadaas, haddii ay ahaan lahaayeen Muslimiinta iyo xittaa kuwa gaalada dah.
Walwalka ugu weyn ee dowladahaan heysta ayaa ah weerarada toogashooyinka ah ee kusii badanaya gudaha dalalkaas, kuwaas oo gallaafta nolosha kumannaan ruux oo reer-galbeedka ah, waxaana dalalka dhibaatadaasi la daalaa dhacaya ugu horreeya Mareykanka.